War Dag Dag Ah: Daawo Sawirka Masuul Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Goor Dhow Ladilay

Sarkaal ka tirsan ciidanka Daraashiista Puntland ayaa caawo lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Qaleey Yuusuf Jiile ayaa taliye ka ahaa xero lagu keydiyo hubka oo ku taala bartamaha magaalada Gaalkacyo taas oo magaceeda lagu sheegay Xero Inji.

Malayshiyo hubaysan oo madaxa soo duubtay ayaa rasaas la dhacay sarkaalka oo kusii jeeday gurigiisa kadib markii uu shaqada ka soo rawaxay,

isagoo durbadiiba u geeriyooday dhaawac daran oo soo gaaray sida uu xigasho.net u xaqiijiyey masuul ka tirsan Wasaaradda Amniga Puntland oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada amniga gobolka Mudug ayaa gaaray goobta sarkaalka lagu dilay waxaana halkaasi kasocda hawlgal baaritaan ah inakstoo aan weli gacanta lagu dhigin kooxdii dilka fulisay sida aan xogta ku helnay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)