Friday, January 19th, 2018

Qoraalada been abuurka iyo Khiyaanada oo kusoo badana Facebooka!!.

Waxaa jira Dad badan oo isticmaala baraha gaar ahaan Facebook oo ku caan baxay in ay sameeyaan Qoraalo been abuur ah, ku waasi oo u jeedkoodu yahay in ay ku marin habaabiyaan Bulshada wax akhrisata ee Wanaaga Jacel , Bal u fiirso Dadkaasi Sifooyinka ay leeyihiin ayaan wax kaaga sheegayaa:

1. Qofkaasi wuxuu mar walba raadiyaa wax yaabaha Negative-ka ah ee ay xumaantu ku jirto , marnaba arki meysid isagoo ka hadlaya wax Wanaagsan oo wax dhisaya, Dana u ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

2. Qofkaasi wuxuu Abuuraa Pos-tiyo ama Qoraalo Been- abuur ah oo kuwasi oo uu Maskaxadiisa uu ka keenay kana hal abuuray, laakiin markii uu soo dhigayo waxa uu iska dhigayaa in uu saxayo qof kale hadalkiisa, balse u jeedada ugu weyna ee uu isaga ka leeyahay ayaa ah in Buslahadu ku marin Haaabiyo waxaan jirin kana dhaadhiciyo.

3. Qofkaasi waxa uu leeyahay Sadax ama Afar Qofood oo Posti-yada Negative-ka ah u camirta, iyagoona Qofkaasi ku qaldaya in uu wax wanaagsan ka hadlayo, Dadkaasi waxaa u sii dheer in ay xitaa ku difaaci karaan Wall-kiisa hadii ay dhacdo in qof kale uu ka soo horjeesto , waxaana marar badan dhacda in Dadkaasi ay si indho la’aan ah ugu xad gudbaan Qofkii aragtidiisa dhiibtay, iyagoo ugu dambeyna sharftiisa iyo Karaamadiisa wax ka sheegaya.

Hadaba si aan uga fogaano Dadkaasi leh Sifooyin kaasi aan soo sheegay ayna inaguna noo saameyn waxaan ku talin lahaa Sadaxdan qodob:

1. in la iska indha tiro qoraal walba oo uu Qofkaasi uu soo dhigo, kaasi oo uu isaga jeedo kale ka leeyahay ,maxaa yeelay hadii aad aragti Saliim ah ka dhiibato waa uu kula doodayaa, waana intaas u jeedadada ugu weyn ee uu isaga kalahaa.

2. in hadii aad awoodo aad u dirto qoraal gaar ah oo aad ugu nasteexaynayso uguna sheegayo in ay beeenta iyo Malada ay danbi tahay maxaa yeelay Aayad quraan ah ayaa Alle Subxaanahu Watacaalaa waxa uu ku leeyahay:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اجْتَنِبُوا كَثِيرًا مِنَ الظَّنِّ إِنَّ بَعْضَ الظَّنِّ
إِثْمٌ

(Kuwa Alle iyo Rasuulkiisa Rumeeyow, ka fogaada in badan oo ka mid ah Malada, maxaa yeelay Malada qaarkeed waa Dambi).

3. Qodobka Sadaxaad ayaa ah in Qofkaasi hadii aad awoodo aad ka fogaato in aad Saaxiib kula sii ahaato Faceebook-kaaga maxaa yelay Saaxiibka xun wuu ku saameeyaaa.

Waxaan ugu dambeyn aad u bogaadinyaa soona dhoweynayaa marar badana aad ii faraxad galiya Dhalinyarada Wiilasha iyo gabdhaha leh ee Maalin kasta soo bandhiga waxyaabo Bulshadeena ay wax ka Faa’ido,

Aduun iyo Aakhiraba ,ku waasi oo aan aaminsanahay in Bulshadooda Sharaf iyo Cizi ugu dhax noolaan doonaan Inshaa’alaah.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..