Madaxweyne Gaas Oo Go’aan Lama Filaan ah Ka Qaatay Degaalka Gobalka Sool

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay wali ku howlan tahay dejinta Colaada ka taagan degaano ka tirsan gobolka Sool.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Puntland ay waddo dadaallo lagu doonaayo in lagu heshiisiiyo beelaha dagaallamaya.

Waxaa uu sheegay in tahay wax laga xumaado in xilliggaan Puntland ay ka dhacaan dagaal beeleedyo ay ku dhintaan dadka Shacabka ah.

Waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in la xoojiyo midnimadda iyo Wadajirka.

Hadalka kasoo baxay Madaxweyne Gaas ayaa kusoo beegmaya xilli wali xiisad ay ka taagan tahay degaano ku yaalla xadka ay wadaagaan gobolada Nugaal iyo Sool ee Puntland.

Fikradaha Akhristayaasha (0)