WarDeg Deg Ah : Al-Shabaab oo Faah-Faahin Ka Bixiyay ujeedkii laga lahaa dil ay Xalay Ugeysteen wiil dhallinyaro ah

Waxaa faahfaahino dheeraad ah ay ka soo baxyaaan Dill xalay ka dhacay Xaafada Via Roma ee degmada Xamarweyne,

kaasi oo lagu dilay mid ka mid ah Dhalinyaradii uu Shaqaaleysiiyay Maamulka gobolka Banaadir oo lagu Magacaabi jiray Ayaanle Maxamed Dhuule.

Majirto cid loo soo qabtay dilka Wiilkaas Dhalinyarada ah ee xalay lagu dilay Xaafada Via Roma ee degmada Xamarweyne ee Gobolkaan Banaadir.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay Sheegteen Dilka ay u geysteen Wiilkan dhalin yarada ah oo la sheegay inuu ka tirsanaa Nabad Sugida Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay Marti gelisay Dilal qorsheysan eel ala beegsanayo Askarta ka tirsan ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo dadka Shacabka ee aan waxba galabsan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)