War Deg Deg Ah:Dowladda Ethiopia & Ciidamadeeda oo xaalad deg deg ah kusoo rogaysa deegaano ka tirsan Puntland kadib markii……

Dowladda Ethiopia ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogaysa maanta deegaano ka tirsan Puntland kadib markii maalintii shalay ahayd ay dagaalo culusi ku dhex mareen deegaano ka tirsan Koonfurta gobolka Sool Malayshiyaadyo ka kala tirsan Beelaha Cumar Maxamuud iyo Dhulbahante.

Ciidamada dowladd deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Liyuu Policeka ayaa la sheegay in ay soo gaadhi doonaan maanta deegaanada dagaalku ka dhacay si ay u kala dhex galaan Malayshiyaadka weli doonaya dagaalo dhiig badani ku daataan in ay ka dhacaan deegaanadaasi.

Madaxweynaha dowladd deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar iyo qaar kamid ah hogaamiyaasha ciidamada dowladda Ethiopia ayaa isku raacay sii xoojinta amaanka iyo kala dhex galida labada Malayshiyaad,

waxaana ay sheegtay dowladda Ethiopia in ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto cid walba oo isku dayda xad gudub ka dhaca deegaanka iyo sidoo kale cid walba oo hurinaysa colaad sokeeyo ee mar kale kasoo cusboonaata deegaanka Gumburka iyo deegaanada kale ee isku fara saaray.

Xaalada deegaanadii maalintii shalay ahayd lagu dagaalamay ayaa maanta jawi degan ah, waxaana jira dadaalo nabadeed oo ay hor boodayaan isimadda dhaqanka deegaanka, waxgaradka, culimo awdiinta iyo odayaashuba.

Fikradaha Akhristayaasha (0)