Taliye Gorod Oo Si Adag u Sheegay In Ciidamada Ay Tababartay Dowlada turki Ay Bilaaw U Yihiin…………..

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdiweli Jaamac “Gorod” oo hadal ka jeedinayay Munaasabad Tababar loogu soo xirayay dufcaddii koowaad ee Tababar ku qaata Xerada Ciidamada Turkey ay ka hirgaliyeen Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Tababarka loo soo xiray ay bilow u noqonayaan dib u dhiska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Jeneraal Gorod ayaa xusay in inkastoo dalku leeyahay Ciidamo hadana kuwaasi ay yihiin kuwa aanu u dhameystirneen qalabkooda,

islamarkaana aanu heysan tababar ku filan, balse Ciidamada iminka uu tababaray Turkey ay tayo ahaan iyo qalab ahaanba yihiin kuwa wax badan ku soo kordhin kara Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaana uu sheegay in haddii dufcooyinka soo socda si hufan loo dar dar galiyo ay soo noqoneyso Cududii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneed dib u dhiska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay ka mid ahayd ballan qaadyadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Tallaabada ku aadan dib u dhiska Ciidanka qalabka sida.

Fikradaha Akhristayaasha (0)