Rasmi: Xayawaan Wax Yeelo Xoogan u Geystay Qoys Ku Nool Degmada Deyniile Ee Magaalada Muqdisho

Illaa Sadax qof oo Hooyo iyo Caruur isugu jiray ayaa ku dhaawacmay, kadib weerar uu Xayawaan aan illaa iyo iminka si rasmi ah loo xaqiijin Magciisa uu ku qaaday dad shacab ah oo degan Xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile.

Mid Ka Mid Ah Dadka Deegaanka oo u warramay Shabakada Xigasho.net ayaa sheegay in Xayawaan ay ku qayaaseen in uu ahaa Madax Quti Xayawaanka loo yaqaanno uu siyaabo kala duwan ugu dhaawacay illaa sadax qof Xaafadda Oodweyne ee degmadaasi Dayniile.

Dadka dhaawacmay oo Hooyo iyo Caruur isugu jiray ayaa la xaqiijiyay in loola cararay Isbitaal ku yaalla Xaafadaasi Oodweyne ee degmada Deynille.

Dhacdadaan ayaa ah mid ugub ku ah dadka ku nool Xaafadda Oodweyne ee degmada Dayniile, iyadoo dadka deegaanku saacadihii la soo dhaafay ay si weyn u hadal hayeen arrintaasi.

Fikradaha Akhristayaasha (0)