Deg Deg:Akhriso Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo magacaabay Taliyaha qeybta 27aad

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. C/wali Jaamac Xuseen Gorod ayaa magacaabay Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo ah qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Hoggaanka Ciidamada Qalabka sida.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa Taliyaha qeybta 27aad loogu magacaabay Jen, Maxamuud Maxamed Macalin (Koronto) oo laga soo wareejiyay Taliska qeybta 12 April.

Magacaabidan ayaa qeyb ka ah is bedelo lagu sameynayo Hoggaanada ciidamada xoogga dalka, kaddib markii dhowaan tirakoob lagu sameeyay Ciidamada xoogga dalka.

Taliska qeybta 27aad ayaa ka howl geli doonta deegaanada dowlad goboleedka Hirshabeelle, ee kala ah Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Fikradaha Akhristayaasha (0)