Fadeerax Tii Ugu Xuumeed: Guddoomiyaha maxkamada sare oo laga helay qoraalkii uu ku fasaxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, muujiyayna inay colaad kala dhexeysa Farmaajo &Kheyre.

Waxaani ma dowladnimaa?

Ku:Gudoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir

Ujeedo:Amar Siideyn Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Gudoomiyaha Maxkamada G/banaadir ee warqadan ku socoto \Vaxaa la amrayaa in aad Siideyso siyaasiga magaciisu sare ku xusan yahay maadaama loo balansan yahay in maxkamadda la horkeeno bari subax oo Tr 21 bisha 12/2017.

Gudoomiye waxaad ogtahay in C/raxmaan C/sakuur ay saaxibo dhow yihiin raggi sabab u ahaa in aan madaxkamadaha dalka madax ka noqono, marka maanta waxay nooga baahan yihiin hiil iyo garab istaag,

Waxaa kale oo aad ogtahay in madaxda dalka ee arintaan daneyneyo ay garsoorka dalka colaadiyeen, hadana ay doonayaa in ay xeer-ilaalnta la heshiiyaan oo ay garsoorka ka Jaraan.

Sidaa awgeed waxaan kaa rajeynayaa in aadan arintaas nagu ceebeyn oo aad siiidayso siyaasiga magiiciisu sare ku xusan yahay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)