War Deg Deg Ah: Al-Shabaab oo xaqiijiyay iney Qarax ku dileen Taliyihii Howlgalada Puntland

Gaari Cabdi-bille ah oo ay saarnaayeen Ciidamada PIS-ta Puntland ayaa Qarax xoogan lagula eegtay duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Gaariga Qaraxa lala eegtay ayaa wuxuu la socday Kolonyo Gawaari ah oo isugu jirtay ciidamo Maraykan ah iyo kuwa la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ee PIS-ta Puntland, waxaana xilliga Qaraxa lala beegsanayay ay marayeen nawaaxiga degaanka Galgala.

Afhayeen u hadlay ururka Al-shabaab ayaa sheegay qaraxan in ay ka dambeeyaan rag ka tiran Shabaab, gaar ahaan kuwa ku sugan degaanada Puntland, waxaana uu tilmaamay Qaraxaasi in ay ku dileen saraakiil iyo Ciidamo ka tirsanaa Puntland.

Wuxuu kaloo sheegay dadka halkaasi ku dhintay inuu ka mid ahaa Taliyihii Howgallada PIS-ta Puntland oo lagu magacaabi jiray Korneyl Galayr Xassan Yuusuf iyo sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay Barkhad.

Kooxda Al-Shabaab ayaa laba jibaaray Weerarada Qaraxyada ah ay ka fulinayaan deegaanada Punland,waxayna todobaadkii hore Qarax ka dhacay duleedka Boosaaso ku dileen Taliyihii ciidamada Miina baarista Puntland Korneyl Cusmaan Kalabeyr.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay iney wadaan Qorshe ay Al-Shabaab kaga ciribtirayaan deegaanada Puntland.

Fikradaha Akhristayaasha (0)