Deg Deg: Beesha Murusade Oo Taagertay Go’aankii R/wasaare Kheyre Iyo Halista Degaal Qabiil

Beesha Murusade ayaa la aaminsan yahay inay Awood Meliteri ay sameysatay 8 bil uu xilka haayo R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Siyaasad ahaan waxaa la sheegay in sida khudbad jeedinta iyo soo jiidashada Maskaxda dadka Khudbadihiisa dhageysta uu ku fiican yahay Xasan Kheyre taasi oo sahashay in dad badan ku dumaan taageero siintiisa.

Murusade oo la og yahay hab ahaan sida ay Awood ka ahaayeen Muqdisho ayaa hadda lasoo baxay Miciyo libaax iyadoo Qabiil la isku geeyo Xafiisyada Xukuumada Wasaaradaheeda waxaana ubadan Murusade.

Warbaahinta ayaa ogaatay in dhaqaale badan ay abuureen inta Xukuumada uu joogo Xasan Kheyre oo dhalinyaro Hablo iyo Rag iskugu jira ay Fiisooyin ku heleen Madaxa Dawlada kadibna iska dhiibeen Dalalka Yurub.

Hadda waxaa laga cabsi qabaa inay is faro saaraan Beelaha deggan Xamar Qaar siiba Habar Gidir iyo Murusade oo ay Habar Gidir Godob ka tirsaneyso Raggii laga laayey Habeenkii isniinta soo galeysay ee joogay Guriga C/raxmaan C.shakuur Warsame.

Fikradaha Akhristayaasha (0)