Dhageyso: Awoowe Gabadhiisa la Kufsaday oo Go’aan la Yaab leh Maxkamada Horteeda Ka Shaaciyay

Wararka naga soo gaarayo Gobolka Mudug,ayaa sheegaya in Kiis kufsi ah oo in mudo ah ka taagnaa deegaanka Garacad ee Gobolkaasi loona heystay afar ka tirsan Ciidamada Badda Puntland ay Maxkamada degmada Jariiban go’aan ka gaartay.

Qaaliga Maxkamada Darakada Koowaad ee degmada Jariiban ee Gobolka Mudug Sheikh Jaamac Maxamuud Kaytoon ayaa sheegay Askartan in lagu waayey wax dacwad ah sidoo kalana laga dhaariyey Kiiskii lagu soo eedeyey.

Nabadoon Xirsi Baalle waa Awoowaha Gabadha Dhibanaha ah wuxuuna Maxkamada Horteeda ka cadeeyey inuu ku qanacsanyahay Go,aanka Maxkamadu ay ka gaarto Kufsiga Gabadhaas uu awoowaha u yahay.

Kufsiga loo geysto hablaha ayaa ku soo badana deegaanada Gobolka Mudug gaar ahaan qeybta Puntland,waxaana dadka qaar ay sheegayaan in arintaan sii kordhineyso xeerarka dhaqanka ku saleysan ee lagu kala baxo marka Kiis kufsi uu dhaco.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka

Fikradaha Akhristayaasha (0)